Saturday, January 8, 2011

South Sudan oo saka u dareertay goobaha codaynta

South Sudan oo saka u dareertay goobaha codaynta

Dalka sudan ayaa maraya xaalad siyaasadeed oo aad u adag taas oo ay aduunka oo dhan isha kuhayeen billihii ugu danbeyay sanadkii tagay 2010 iyo horaantii sandkanba.
Xaaladan ayaa ah mid ay kucabirayaan shucuubta ku dhaqan koonfurta sudan inay ay u codeeyaan inay noqdaan dowlada gooni iskutaag ah ama inay siwada jir ah ula siinoolaadaan walaalahood waqooyiga sudan ee khartom
Codayntan dhacaysa ayaa kutimid hishiis nabad abuuris ah oo ay wada galeen laba xisbi ee talada wadanka wadagaa ee mutamar wadani iyo xarakat alshacbiyaha horaantii sanadkii 2005 ee ku kala sixiixdeen magaalada nifasha ee dalka keenya
Waxaana ukala sixiixay Ali Osman Daha oo ahaa xiligaas kuxigeenka kobad ee madaxwaynaha sudan matalayayna dhanka mutamar wadaniga dhanka kalena waxaa u sixiisay dr John Garang De Mobior oo ahaa aasisii xaraka alshacbiya
Hishiiskan ayaa gogol dhigiisa ahaa in laxakameeyo lana joojiga dagaaladii ugu dherarka badnaa ee soomara qaarada Africa kas oo socday muda kabadan 21 sano barakiyayna malaayin qof
Hadaba qodobada ugu muhiimsanaa hishiiskan ayaa ahaa in maalinimada axada 9/1/2011 ay udareeraan shucuubta ku dhaqan konfurta sudan goobaha cod bixinta si ay u cabiraan gooni isku tag inay rabaan ama lasii noolaansho dowalda dhexe
Hadaba doorashadan ayaa ahayd mid aad loosugayay aduunka oo dhan iyo saxaafada caalamkana in badan ay siinayeen waqtigooda qadiyadan taagan
Sida wararku sheegayaan waxaa kasoo qayb galay ilaalinta doorashooyin 400 ruux o kasocda hay,adaha duwaliga ah sida UN sidoo kale waxaa kasoo qayb galay in kabadan 2100 oo ruux oo kakal socda hay,adaha bulshada ee sudanta iyadoo sidoo kale kasoo qayb galeen kudhawaad 18000 oo ilaaliye oo kakala socda axsabta siyaaasadeed ee sudanta kala duwan
Sidoo kale waxaa lasheegay inuu kasooqayb galayo madax waynihi hore ee dalka America james kart
Sidoo kale waxaa ad ooga sooqayb galay codayntan taariikhiga ah saxaafada caalamka oodhan noocyadeeda kala duwan maqal iyo muqaalba waxaa aad loo arkayay isbuucii ugu danbeeye ee kaharsanayd doorasha meelkasta inay kaamero taagantahay ama wariye afti kaqaadayo dad meel dhooban
Xalay kaliye mar aan boogasho ku tahay hotel wayn oo magaalada juba ku yaala ayaan halkas kula kulmay in kabadan 200 oo wariye oo kala socday kanalka jazera iyo CNN ka iyo warbaahino kale taaas oo ay aad iskugu diyaarinayeen maalinimada axada ay doorashada dhacayso
Amaanka magaalada juba ayaa aad loosugay,dhamaan qaybaha kala duwan ee police ayaa la howl galiyay si ay u ilaaliyaan goobaha cod bixinta
Horaantii bishii 12 aad ee sanad kii hore ilaa bilowgii bishan ayay dadku cabsi iyo walaac wayn kaqabayn doorashada iyagoo filaayay inay dhici doonta buuq iyo qalaaso iyo rabshada ka horeeya doorashada ilaa ay dadka qaarkii gaareen inay kabaxaan magaalada hakadna galiyaan dhaman dhaqdhaqaaqii ganacsiga
Balse arinkaas waxaa ad wax ooga badalay baqdintii dad waynuhu qabeena yaraysay kadib booqashadii uu ku yimid madaxwayna sudan omar xasan ahmed albashir magaalda juba maalinimadii talaada lasoodhafay ,kaas oo lakulmay madaxda kala duwan ee xarakada,ugu horeena waxaa garoonka kuso dhaweyay madaxwaynaha konfurta sudan salva kir mayardit iyo kunaan kun oo shacab ah
Madaxwayne omar ayaa khadbad dheer ka jeediyaya howlka shirarka cusub ee lodhisay hadii xukuumad cusub dhalato
Khadbadii madax waynaha ayaa wax badan kabadashay aragtii ay kaqabeen aduunka oo dhan walwalkii ay kaqabeen qalalaase inay kadhici doonta aadna u dajisay xaalada gudaha konfurta iyo dibadeedaba
Madax wayne omar ayaa khudbadiisa ku xusay inuu noqondoona qofka ugu horeeya ee taageera haday u codeeyaan dadka konfurta ku dhaqan dhanka gooni isku taagooda uuna ictiraafsiin doono dowlada cusub ee ladhasi doona.
Isagoo intaas u raciyay inuu taageero buuxda kasiin doono dowlada cusub dhankasta oo ay wax ooga baahato
Hadaba dadka kudhaqan konfurta sudan ayaa maalin nimadii shalay sabtida soo gabagabeeyay ol olihii gooni isku taaga ahaa ayagoo meel fagaaro ah ay iskugu yimadeen dad ku dhow dhow kumanan kun oo wata boorar ay ku qorantahay (waxaanu rabnaa gooni isku tag iyo khartomay nabad galyo waanu galbanaye) iyo erayo badan oo ay ku cabirayeen faraxadooda ku aadan inay u codeen doontaa gooni goosad
Somalida ku dhaqan koonfurta sudan oo gaarayana dhowr kun oo ruux intooda badana ah ganacsato kana ganacsata qayba kala duwan ee dhaqaalada sida shidaalka xawaladaha iyo keenista bagashka iyo cunida,sibirka ,qalabka dhismaha iyo dhisida guryahaba ayaa soodhaweeyay go, aanka ay qaadan doonaan dadka koonfureed sudan kuna taageeri doonaa wixii kaso baxa doorashadaas
Somalida ayaa lagu tilmaami karaan inay gacanta ku hayaan 30% dhaqalaha koonfurta sudan iyadagoo gacanta ku hayaa laboda qayb oo ugu muhimsan oo ah
1. Xawalada maadama ay dadkan itoodabadan ay qaxeen kuna nool yihiin dalka dibadisa ayay u baahanyihin meel ay isku mariyaan lagaca eheladooda ay udirayaan
2. shidaalka oo ay intaasa badan ay iibiyaan ama dhoofshaan iyaga
3. rashinka ama badeecada noockastaba ha ahaa tee maadama uusan wadanka lahayd wax warshad ah oo wax soosaarta ayay somalida kasoo dajiyaan daka mombasa kadibna ay kuso xamaalaan gawaarida samtareelayaashaha ilaa ay soogaliyaan konfurta sudan
sikastaba ha ahaatee doraashadan ayaan la aqoonin waxaa kaso baxi doona balse ay dadku u badaniyaan inay halkas kadhalan doono dowlad cusub iyado la isku khilaafsan yahay magicii loobixin laha dowladaas cusub
iyadoo ilaa hada la isku hayo in loo bixin doono afar magac mid kood oo ah 1.goverment of nile 3.south sudan 3.Kush oo ah magac hore oo taarikhi ah oo sudan lagu magacaabi jiray 4.Amatong oo ah buurta ugu dheer ee kutaala koonfuta sudan taas oo ay ku burburtay diyaaradii siday Dr john garang dabayaaqadii sanadki 2005
ugu danbayntii codayntan ayaa bilaabatay abaarihii 8:00 AM ee gooraysada bariga Africa socondoontana mudo isbuuc ah balse waxaan cadeen ilaa hada xiliga kama danbaysta ah oo lasheegi doona natiijada kasoobaxday codayn


Mohamed Abdi Elmi(cusaybe)
Email:cusaybe1@hotmail.com
Juba-Suoth Sudan

Thursday, January 6, 2011

magalada juba ee south sudan

waxa maalmaha fooda nagusooohaya kadhici doonta dalka sudan gaar ahaan koonfurta sudan coday ay u codayn donaan inay kamid noqondoonaan sudan iyo inay helaa madax banaani
codayntan oo bilaaban doonta maalinimada axada 9/1/2011 ayaa ah maalin aad aduunka oo dhan u danaynayaa gaar ahaan dowladaha reer galbedka iyo israilba
sida ay u badantahay aftida dadka waxay u codeen doontaan dhanka gooni iskutaaga oo ay aad uxiisaynayaan haatan,waxayna noqondoonta dowladii 53 ee dowladaa africa
somalida halkan kusugan oo tiradooda ay kabadan tahay 3000 oo qof ayaa cabsi wayn kaqabay isbadalka wadanka kajira iyagoo hakad galiyay dhamaan dhaqdhaqaaqa dhaqaaleed ay wadoon